Madaxa xisbiga Ford –Kenya ahna senatarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula ayaa su’aal geliyay madax bannaanida hay’adaha dowladda ee baaritaannada la xiriira hadallada naceybka ku saleysan kuwaasoo siyaasiyiinta qaar lagu eedeeyo inay jeediyaan xilligan ololaha doorasho.
Wetangula ayaa doonaya in la caddeeyo sababta ilaa iyo hadda guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) uunan ugu yeerin wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Murang’a Sabina Chege.
Haweeneydan ayaa loo haystaa in xilli ay ku sugnayd ismaamulka Vihiga ay ku andacootay in horay loogu shubtay natiijada doorashada guud sidaas awgeedna ay dhici karto in midda soo socoto ee bisha siddeedaad la dhaco.
Wetangula ayaa hay’adaha dambi baarista ee dowladda uga digay inay bartilmaameedsadaan keliya sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza ee ay ku mideysan yihiin xisbiyada ANC,UDA iyo Ford-Kenya.
Waxaa uu Wetangula xusay in haddii aan wax laga qaban hadallada noocani ah ay dhibaatooyin u horseedi karaan wadanka.
Sidoo kale waxaa hadalka Mrs.Chege si wayn uga soo horjeestay oo inay caddeyn ku saabsan soo bandhigto dalbaday xulufada iyo taageerayaasha siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu u yeeray Sabina Chege si su’aalo looga waydiiyo arrinta ay ka hadashay.
Guddiga IEBC warqadda uu u qoray wakiilka haweenka ee Murang’a waxaa ku cad in Talaadada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15-ka bishan laga doonayo abaare 9-ka subaxnimo inay iska xaadiriso xarunta dhexe ee guddiga ee magaalada Nairobi.