Mulaxamiistihii waynaa Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) oo Muqdisho ku geeriyooday

0
575

Waxaa Alle ha u naxariistee saacad ka hor magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdikariim Faarax Jiir oo ahaa mulaxamiiste wayn.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Erdogan oo horay loo oran jiray Digfeer isaga oo maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariistee Cabdikariim Faarax Qaarey oo ku magac dheeraa (Jiir) wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug, isaga oo ifkana kaga tegay siddeed carruur ah, oo kala ah afar wiil iyo afar gabdhood.
Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey aas loogu sameeyo qabuuro ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Cabdikarikn Qaarey ayaa ka mid ahaa raggii iyo gabdhihii lagu aas-aasay kooxdii iftin.
Ragga ay kooxdaas wada billaabeen waxaa ka mid ahaa abwaan Xasan Sheekh Muuumin.
Sidoo kale fannaaniinta uu heesahooda laxameeyay waxaa ka mid ahaa Xasan Aadan Samatar