DHAGEYSO:Dubat Cali camey oo ku baaqay in la caawiyo waayeel ku xanuunsan Dadaab

0
296

Guddoomiyaha golaha suuq geynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa Dubat Cali Camey ayaa bulshada ugu baaqay inay caawiso waayeel xanuunsan sidoo kalena daruufo nololeed ku wajahaya xerada qaxootiga ee IFO ee deegaanka Dadaab.

8-dii bishan ayay ahayd markii warbaahinta Star ay soo bandhigtay warbixin ku saabsan xaaladda nololeed ee Xasan Yuusuf Cali oo ciddii ay u suurtagalaysa inay caawiso ay kala xiriiri karto nambarrada kala ah 0713793462 ama 0724643401.