Saraakiisha booliska ee caasimadda dalka ee Nairobi ayaa la filayaa inay billaabaan howlgallo ka dhan ah wadayaasha mootooyinka ee aan u hoggaansamin xeerarka taraafikada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday taliyaha ciidamada waddooyinka ee Nairobi Joshua Omukata.
Joshua ayaa xusay inay gacanta ku dhigi doonaan wadayaasha dhugdhugleyda ee qaada wax ka badan labo qof oo rakaab ah ama adeegsada dhanka khaldan ee waddada.
Booliska waaxda taraafikada ayaa sheegay in khaladaadka wadayaasha mootooyinka ay kordheen taasoo sare u qaadday shilalka waddooyinka.
Sidoo kale wadaha iyo rakaabka ayaa labaduba waxaa khasab ku ah inay xirtaan koofiyadda loo yaqaano helmet.
Booliska waxay dhanka kale digniin u direen darawaliinta mataatuuda iyo shacabka waddooyinka ka gudba meelaha aan habbooneyn.