Xafiisyada golaha sare ee garsoorka dalka Tunisia oo la xiray

0
511

Ciidamada booliska ee dalka Tunisia ayaa albaabada isugu dhuftay xafiisyada golaha ugu sarreeya ee waaxda cadaaladda wadankaasi.
Tallaabadan ayaa imaanaysa ka dib markii dhawaan madaxweynaha Tunisia Kais Saied uu kala diray xubnaha golaha.
Hoggaamiyaha wadankaasi ayaa sheegay in arrin laga soo gudbay ay tahay inuu sii shaqeeyo gole qaabilsan xaqiijinta madax bannaanida xaakinnada ,wanaajinta habdhaqankooda iyo dallacsiintooda.
Madaxa golaha garsoorka ee Tunisia Youssef Bouzakher oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP ayaa cambaareeyay tallaabada ay qaadeen boolisku.
Waxaa uu xusay inaysan caddeyn karin cidda saraakiisha ammaanka siisay amarka ay fuliyeen oo uu ku sheegay mid sharci darro ah.