Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha muslimiinta ee wadanka ayaa dowladda ka dalbaday inay maxkamadda soo taagto ama ay xurriyadiisa dib ugu soo celiso ganacsade lagu magacaabo Roba Abduba Sereka.
Ganacsadahan oo dhalasho ahaan ka soo jeedo ismaamulka Marsabit ayaa maalmo ka hor laga afduubtay xaafadda South C ee magaalada Nairobi , ilaa iyo haddana lama helin.
Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF Sheekh Cabdullahi Cabdi ayaa sheegay in dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka rayidka .
Mas’uuliyiin uu hor kacayo guddoomiyaha NAMLEF ayaa ku baaqay in haddii ganacsadaha uu wax dembi ah galay in dacwad lagu soo oogo haddii kalena la soo daayo isagoo nabad qaba.
Home Wararka Kenya Madaxda muslimiinta oo dalbaday inuu xurriyadiisa helo ganacsade ka soo jeedo Marsabit...