Golaha ku meel gaarka ah ee dalka Guinea ayaa yeeshay kal-fadhigiisi ugu horreeyay tan iyo afgembigii wadankaasi ka dhacay.
Shan bilood ka hor ayuu militariga Guinea xukunka ka tuuray madaxweyne Alpha Conde.
Golahan oo loo yaqaano CNT ayaa loo xilsaaray inuu dib u soo celiyo maamulkii rayidka .
Xubnaha golahan ayaa ku baaqay in la soo saaro dastuur ay adag tahay in si fudud isbeddel loogu sameeyo.