Xoghayaha joogtada ah ee waaxda guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka Charles Hinga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in bisha saddexaad ee sanadkan dib loo billaabi karo barnaamijka loogu magacdaray Kazi Mtaani .
Waxaa uu ku saleysan yahay olole nadaafadeed oo laga fulinaya deegaannada dalka taasoo ay horay dhallinyaro uga heleen shaqo abuur ay dowladdu u sameysay.
Charles Hinga ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in wasaaradda maaliyadda ay baarlamaanka u gudbisay miisaaniyad dheeraad ah oo loogu tala galay in lagu sii wado barnaamijka qaran ee nadaafadda.
Xoghayaha waxaa uu xusay inay jiraan arrimo kooban oo dhanka hab-raaca ah oo uu baarlamaanka eegayo ka hor inta aan miisaaniyadda la ansaxin.
Wajiga saddexaad ee barnaamijkan ayuu qorshuhu yahay inuu socdo ilaa bisha 6-aad ee sanadkan waxaana laga hirgelinaya in ka badan 900 oo ah xaafadaha aanan si rasmi ah loo deegamayn guud ahaan dalka.