Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka qaxooti ka soo jeeday Congo oo ka dhacay Brazil

0
614

Kumanaan ka mid ah dadka ku nool wadanka Brazil ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka wadankaasi iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin dil loo gaystay qof qaxooti ah oo u dhashay Congo.
Ninkan oo 24 sano jir ah ayaa bishii hore geeriyooday ka dib markii si aad ah loo jirdilay.
24-kii Jannaayo ayay ahayd markii saddex nin ay goob uu ka shaqeynayay ku weerareen Moise Mugenyi Kabagambe.
Dilka loo gaystay ayay shacabka uga war heleen muuqaal ay duubtay kameerada qarsoon kaasoo ay boolisku soo bandhigeen.
Falkaasi ayaa abuuray caro xooggan waxaana dibadbaxa maanta oo ay soo qaban qaabiyeen xubnaha qoyska Moise lagu sheegay mid ka ballaaran sidii la filayay.
Sanadkii 2011-kii ayuu Moise Mugenyi Kabagambe ka tagay magaalada Bunia ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC oo uu ka soo jeeday isagoo u wareegay Brazil.
Dhimashada wiilka dhallinyarada ah ayaa sidoo kale abuurtay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah cunsuriyadda, iyadoo qaar badan ay cambaareeyeen dhacdadan.
Mudaaharaadyada ayaa sidoo kale lagu qabtay magaalooyinka kala ah Belo Horizonte, Porto Alegre, Salvadoriyo iyo ugu yaraan 7 magaalo oo kale ee ka tirsan dalka Brazil.
In ka badan 2,500 oo qaxooti u dhashay DRC ayaa loo aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu badan qaxooti ee ku nool wadanka uga wayn qaaradda Latin America tan iyo 2000, sida ay sheegtay wasaaradda caddaaladda iyo kormeerka socdaalka.
Sanadihii la soo dhaafay, Brazil waxaa sidoo kale kusoo badanayay qaxootiga kasoo jeeda wadanka Cameroon kuwaas oo doonaya inay socdaal dhulka ah ku tagaan xadka dalka Mareykanka.