Xoghayaha guud ee qaramada midoobay oo baaq u diray Shiinaha

0
585

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa dowladda dalka Shiinaha ugu baaqay inay madaxa arrimaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay ay u oggolaato inay tagto gobolka Xinjiang.
Shalay ayay ahayd markii Guterres uu kulan la qaatay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Wang Yi oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.
Wakiilka qaramada midoobay ee xuquuqul aadanaha Michelle Bachelet ayaa in muddo ah ku dadaalaysay in si madax bannaan ay u booqato Xinjiang si ay baaritaano u sameyso.
Maamullada dowladda Shiinaha ee gobolkaasi galbeed ayaa lagu eedeyay inay xadgudubyo kula kaceen bulshooyinka laga tirada badan yahay.