Xaafadda Islii iyo qaybo ka mid ah ismaamulka Garissa oo ay maanta korontada ka maqnaan doonto

0
689

Shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in howlo dayactir awgood ay maanta koronto la’aan ka jiri doonto xaafadaha qaar ka mid ah ismaamullada Nairobi iyo Garissa.
Xaafadaha ay korontada ka maqnaan doonto ee magaalada Nairobi ayaa kala ah Islii gaar ahaan waddada 1-aad iyo 2-aad, Lavington iyo qaybo ka mid ah xaafadda Kawangware.
Dhanka kale goobo ka tirsan ismaamulka Garissa ayaa caqabaddan la kulmi doono sida Balambala iyo meelo ka mid ah dowlad deegaanka Tana River gaar ahaan Madogo iyo Bangal.
Korontada ayaa meelahan ka maqnaan doonto inta u dhexeysa 9 subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo ee maanta.