Maraykanka oo ku baaqay kulan ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi

0
502

Dowladda Maraykanka ayaa dalbatay in golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa uu maalinta Khamiista ee toddobaadkan yeesho kulan degdeg ah.
Xukuumadda Washington ayaa doonaysa in laga arrinsado tijaabada iyo adeegsiga gantaallada ee Kuuriyada Waqooyi.
Axaddii ayay ahayd markii xukuumadda Pyongyang ay shaacisay inay adeegsatay mid ka mid ah gantaallada balistika ee riddada dheer ee Hwasong-12.
Gantaalkan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu cuslaa ee la adeegsado tan iyo sanadkii 2017-kii.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay midii toddobaad ee ay Kuuriyada Waqooyi qaadday tan iyo billowgii sanadkan.