Imaaraadka Carabta oo soo dhaweeyay tallaabo uu qaaday rw Rooble

0
384

Dowladda Isutagha Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweysay raaligelintii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ka bixiyay dhacdadii 2018-kii ee lagala wareegay lacagihii iyo kaalmooyinkii loogu talagalay in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa imaanaya iyadoo wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Rooble ay booqasho rasmi ah ku joogaan dalka UAE-da oo ay kula kulmeen madaxda wadankaasi.
Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xiriirkooda uusan wanaagsaneyn dhowrkii sano ee la soo dhaafay, hayeeshee ra’iisul wasaaraha uu wado dadaalo uu dib ugu soo celinayo xiriirkooda.