NCIC iyo EACC oo siyaasiyiinta sameeya kicinta dadweyne ka hor istaagaya inay loollamaan

0
634

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa ka digay in mas’uuliyiin magac ku leh siyaasadda dalka laga waayi doono codeynta guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu guddiga sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan dhigooda anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC, iyagoo ka digay in dadka ku lugta leh kicinta dadweynaha iyo hadallada naceybka aan loo oggolaan doonin inay isu soo sharraxaan xilalka kala duwan ee loo tartama.
Guddoomiye ku xigeenka NCIC Wambui Nyutu ayaa sheegtay in heshiis wada shaqeen ah ay la galeen guddiga EACC, islamarkaana ay si wadajir ah tallaabo uga qaadi doonaan siyaasiyiinta ku lugta leh falalka la xiriira kicinta dadweynaha.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhowr toddobaad ka hor siyaasiyiin qaar looga yeeray xarumaha dambi baarista, halka kuwa kalena horay loogu soo oogay dacwado.
Guddoomiye ku xigeenka NCIC Wambui Nyutu oo shir jaraa’id ka hadashay, ka dib kulan ay labada guddi ku yeesheen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru, ayay sheegtay inay baarayaan labaatan kiis oo isugu jira kicin iyo hadallo naceyb oo ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin caan ah.
Waxaa ay sheegtay in guddiga NCIC uu qoray shaqaale ka qayb galaya dhammaan isu soo baxyada siyaasadeed, islamarkaana duubaya siyaasiyiinta jeedinaya hadallada naceybka ku saleysan.
Waxaa ay dhanka kale beenisay in guddigan uu yahay mid aan saameyn lahayn, iyadoo intaa ku dartay in dhammaan siyaasiyiinta jeedinaya hadallada naceybka ah ay noqon doonaan kuwo si degdeg ah loola socon doono.
Guddiga NCIC ayaa kula taliyay dhigooda EACC inaysan siinin shahaadooyin anshax wanaagsan ku turjamaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee ku guul daraystay inay u hoggaansamaan nidaamka wadajirka ah.