Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee NPS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hay’ado amni oo isku dhaf oo ay horkacayaan ciidamada la dagaalanka argagixisada ee ATPU kuwaas oo ku sugan caasimadda dalka ee Nairobi ay saaka xabsiga u taxaabeen Maxamad Abuubakar Xuseen oo 29 sano jir ah, kaas oo looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay kooxaha gaysta falalka argagixisada.
Eedeysanahan ayaa markii gacanta lagu soo dhigayay lagu qabtay 95 taleefoonada gacanta ah gaar ahaan nooca loo yaqaano Nokia (kabambe).
Wararka ayaa intaasi ku daraya in taleefoonadaan la adeegsaday.
Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee NPS ayaa sheegtay in tuhmanaha uu haatan xabsiga ku jira, islamarkaana uu laamaaha ammaanka ka caawinaya baaritaanno dheeraad ah.
Waxaa ay intaa ku dartay inay kor u qaadeen sugidda amniga dalka, islamarkaana shacabka laga codsaday in laamaha ammaanka ay ku soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq walba oo ay ka shakiyaan.