Rw Rooble oo u ambabaxay Imaaradka xilli uu raalli gelin siiyay horraantii bishan

0
556

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamad Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Waxaa isla qoraalkaas ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu sheegay inuu kulammo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalkaasi.
Safarka ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli horraantii bishan uu raali gelin siiyay Imaaraadka, isagoo u ballanqaaday in dib ugu celinayo lacag dowladda Soomaaliya ay ku qabatay garoonka Aadan Cadde bishii Afaraad ee sanadkii 2018-kii.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa noqonaya mas’uulkiii u horreeyay oo heerkiisu sarreeyo oo dowladda Soomaaliya ka socda oo booqasho ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018-kii.