
Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee (JSC) ku amartay inuu muddo 10 cisho gudahood ah uga soo jawaabo dacwad uu gudbiyay garsoore Saciid Chitembwe.
Waxaa uu xaakinka ka soo horjeedaa geeddisocod dhanka nidaamka oo isaga ka dhan ah.
Guddiga JSC iyo 5 dhinac oo kale ayaa doonaya in garsoore Chitembwe uu xafiiska baneeyo.
Waxaa amarkan soo saaray garsoore Hedwig Ong’undi oo doonaya in dhinacyadan ay jawaabahooda soo gudbiyaan si dhageysiga uu u sii socdo.
Chitembwe ayaa gaashaanka u daruuray muuqaallo iyo codad la duubay oo uu caddeymo ahaan u gudbiyay barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo ku doodaya in xaakinka uu musuqmaasuq ku lug yeeshay.