Boqollaal qoys ayaa ka barakacay, tuulooyinka Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad, ka dib markii xooggaga Al-Shabaab ay dab qabad siiyeen labadaasi tuulo.
Mareerey oo qiyaastii 5 km Waqooyi bari ka xigta degmada Balcad ayaa shalay galinkii dambe dab la qabadsiiyay, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.
Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.
Guddoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta loo gubay tullooyinkaas ay tahay inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas kula dagaallamayay Al-Shabaab.