Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa inay tijaabisay ka dibna tuurtay gantaal lagu sheegay midkii ugu riddada dheeraa tan iyo sanadkii 2017-kii.
Warkan ayaa soo baxay ka dib markii dowladaha Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay sheegeen in gantaal looga shakiyay nooca balistika oo ka yimid dhanka xeebta bari ee gobolka Jagang oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi lagu riday badda.
Madaxweynaha wadankaasi Kim Jong Un ayaa horay u sheegay inuu doonayo xoojinta awoodda militari iyo cusbooneysiinta hubka dalkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xukuumadda Pyongyang ay ilaa toddobo gantaal adeegsatay tan iyo billowgii sanadkan.