DHAGEYSO:William Ruto oo weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dalka

0
489

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa markii ugu horreysay isagoo ku sugan ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka si toos ah u abaaray madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu sheegay inuu doonayo in Raila Odinga uu kala wareego hoggaanka.
Ruto oo horay madaxweynaha si dadban u dhaliili jiray tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhex galay ayaa shalay si cad ugu sheegay in kenyaanka aynan diyaar u ahayn mashruuc siyaasadeed oo uu ku tilmaamay Raila Odinga.
Waxaa uu madaxweynaha ka codsaday inuu shacabka fursad u siiyo inay 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan hoggaanka waddanka u doortaan musharraxa madaxweynenimo ee ay ku qanacsan yihiin.

In kastoo madaxweynaha dalka uu horay u sheegay inuusan cidna taageersanayn, haddana garabka xisbiga UDA ee lala xiriiriyo William Ruto ayaa ku andacoonaya in hoggaamiyaha wadanka uu wado dadaal uu ku soo dhisaya madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.