Isbeheysiga OKA oo waxbarashada dugsiyada sare ka dhigaya lacag la’aan haddii uu hoggaanka la wareego

0
574

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in haddii isbeheysiga uu ka tirsan yahay ee OKA uu bisha siddeedaad ee sanadkan la wareego hoggaanka wadanka ay tacliinta dugsiyada sare ka dhigi doonaan mid si lacag la’aan ah lagu barto.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Machakos.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu horay u soo noqday wasiirkii waxbarashada ee Kenya sidaas awgeedna uu fahansan yahay muhiimadda ay leedahay in tacliinta laga dhigo mid bilaash oo ay dhammaan fursad u heli karaan ardayda dalka.
OKA oo ay horay uga wada tirsanaayeen xisbiyada ANC, Ford-Kenya, Wiper iyo KANU ayaa hadda waxaa ku soo haray keliya labo xisbi oo ay kala hoggaamiyaan Kalonzo Musyoka iyo Gideon Moi .
Waxaa ay sheegeen inay iskaashi siyaasadeed la sameyn doonaan dhinacyada kale ee ay dhanka aragtida isaga dhow yihiin.