Iyadoo uu qorshuhu yahay in bisha siddeedaad ee sanadkan ay dalka ka dhacdo doorasho guud ayaa kenyaanka lagu boorriyay inay xilalka kala duwan ee hoggaanka u dhiibaan musharraxiinta markii ugu horreysay ka soo dhex muuqanaya saaxadda siyaasadeed.
Waxaa baaqan soo saaray ganacsade Jimi Wanjigi oo ka mid ah musharraxiinta madaxweynenimo.
Waxaa uu codbixiyeyaasha kula taliyay inaysan fududeysan isbeddelka uu horseedi karo codkooda .
Wanjigi ayaa cadeeyay inuu wali ka tirsan yahay xisbiga ODM balse ay saaxiibbo dhow yihiin madaxda isbeheysiga OKA ee kala ah Kalonzo Musyoka iyo Gideon Moi.