Waxaa la filayaa in maanta la dhameystiro baaritaannada dheecaanka hidde-sidaha DNA ee 25 meydad ah oo dhawaan laga helay webiga Yala ee ismaamulka Siaya.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagu aqoonsado shakhsiyaadkaasi si ehelladooda loogu wareejiyo meydadka oo ay u aastaan.
Johansen Oduor oo dowladda dhexe u qaabilsan baaritaannadan ayaa sheegay inay adkaatay in xilli hore howshan la soo gabagabeeyay xaaladda meydadka qaar awgeed.
Dhanka kale afhayeenka ciidamada booliska dalka Bruno Shioso ayaa sheegay inay sugayaan warbixin ka hor inta aysan guda gelin baaritaano dheeraad ah oo lagu xaqiijinaya cidda ka dambeysay dilalka 25-ka qof.