Dadka deggan aaga khadadka korontada ee wadanka oo loo qabtay muddo 30 cisho ah si ay u baneeyaan

0
498

Waxaa dadka deggan goobaha loogu talagalay xarkaha korontada ee wadanka oo dhan ay haystaan muddo 30 cisho ah si ay u baneeyaan goobahaasi ka hor inta aynan dowladdu tallaabo qaadin.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay inay dowladda billaabi doonto howlgalo nadiifin ah oo loo marayo nidaamka sharciga ah.
Dowladda ayaa lagu wadaa inay dhawaan billowdo qorshe wacyigelin ah oo shacabka ku nool xaafadaha isku raranta ah lagu fahamsiinayo waxyaabaha dhibaatooyinka ku ah iyo sida ay uga hortaggi karaan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Fred Matiangi ayaa markii oo faahfaahinayay qorshahaan lagu wado in deegaanada isku raranta ah lagu fuliyo waxa wehlinaysay wasiiradda wasaaradda tamarta ee dalka Monica Juma
Dr. Fred Matiag’I oo ka hadlay burburkii dhawaan ku yimid qaar ka mid ah goobaha keydka korontada ee xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi oo dhaliyay koronto la’aan saamaysay toddobaadkii hore qaybo badan oo wadanka ka mid ah.
Waxaa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha oo kaashanaysa dhigeeda tamarta ay bilaabayaan hannaan dadka looga rarayo aagaga ay suuragalka tahay inay khatar ka soo gaarto gaar ahaan meelaha ku dhow xarunta wayn ee isgaarsiinta dalka si badqabkooda loo sugo.
Dr. Matiangi ayaa sheegay in saraakiil waaxyaha wasaaradahaan ka tirsan loo xilsaari doono inay dadka ku baraarujiyaan khatarta ka dhalan karta xargaha korontada
Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka xadaya xargaha korontada ay naftooda halis galinayaan.
Wasiirradda wasaarada tamarta ee wadanka Monica Juma ayaa dhankeeda sheegtay inay kulanka ay la qaadatay dhigeeda arrimaha gudaha ay isku afgarteen hannaanka lagu sugayo badqabka kaabayaasha dhaqaale ee dalka ayadoo la hubinayo, iyo sidoo kale inay shacabka ku lugyeeshaan geedi socodkaan.
11-kii bishaan ayaa koronto la’aan laga dareemay guud ahaan dalka ka dib markii sida la sheegay cilad wayn ay ku timid khadka korontada ee deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Xubno ka tirsan saraakiisha sar sare e shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa wajahay eedaymo la xiriira inay si ula kac ay cilladaan qayb uga ahaayeen.