Saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xabsiga u taxaabay eedeysanaha ugu wayn ee looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dilkii loo gaystay taageeraha caanka ahaa ee kubadda cagta Kenya Isaac Juma.
Isaac Juma oo da’adiisu ahayd 58 sano jir, ayaa lagu dilay maalin ka hor magaalada Mumias ee ismaamulka Kakamega.
Tuhmanaha la qabtay oo lagu magacaabo Milton Namatsi sidoo kalena da’adiisu tahay 27 sano jir, ayaa shalay laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Mumias, ka dib baaritaano horudhac ah oo ay saraakiishu sameeyeen.
Saraakiisha dambi baarayaasha ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in dilka ninkaan uu la xiriiro muran dhanka dhulka ah.
Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in maanta maxkamad lasoo taago si uu uga jawaabo eedeymaha loo haysto.
Juma, waxa uu ahaa shakhsi si weyn looga yaqaanay kubbada cagta Kenya ilaa dhimashadiisa, isagoo taageere wayn u ahaa kooxaha kubadda cagta ee maxalliga ee sida AFC Leopard iyo Home Boyz.
Waxaa uu sidoo kale taageere wayn u ahaa xulka kubadda cagta Kenya ee Harambee Stars.
Waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Home Wararka Kenya Eedeysane looga shakisan yahay dilka taageerihii caanka ahaa ee kubadda cagta Kenya...