Maraykanka oo sheegay in Ruushka uu Ukraine weerar ku qaadi karo bisha labaad

0
659

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo saaray digniin ah inay aad u badan tahay in bisha labaad ee sanadkan ay dowladda Ruushka ku duusho Ukraine.
Waxaa uu Biden digniintan la wadaagay dhigiisa Ukraine ,Volodymyr Zelensky oo uu u sheegay inay u diyaar garoobaan tallaabo kasta oo lagu bartilmaameedsanaya.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay baaqyada iyo digniinnada loo diraya dowladda Ruushka oo lagu tuhunsan yahay inay damacsan tahay duullaan ka dhan ah Ukraine.
Tani ayaa timid ka dib markii xukuumadda Moscow ay ciidamo badan gaysay xadka ay la wadaagto dalkaasi dariska la ah.
Hasa ahaate Ruushka ayaa iska fogeeyay eedeymaha uga imaanaya Maraykanka iyo saaxiibada kale ee galbeedka.
Waxaa is barbar socdo dadaallo dibloomaasiyadeed oo la doonayo in lagu dejiyo xasaradda labada dhinac iyo hanjabaado cunaqabateyn oo ka dhan ah Ruushka.