Martin Wambora oo mar kale loo doortay guddoomiyaha golaha barasaabyada

0
375

Hoggaamiyaha ismaamulka Embu Martin Wambora ayaa mar kale loo doortay xilka guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dowlad deegaannada wadanka ee (COG) .
Waxaa guddoomiye ku xigeen sii ahaanaya barasaabka Kisii James Ongwae halka dhigiisa Elgeyo Marakwet Alex Tolgos uu yahay mas’uulka qaabilsan dhanka kala dambeynta ee golahan.
Martin Wambora ayaa barasaabyada wadanka uga mahadceliyay inay mar kale kalsooni u muujiyeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu dadaal badan ku bixin doono xal u helidda caqabadaha ismaamullada ka haysta la tacaalidda cudurka COVID-19 .
Codeynta uu ku soo baxay Martin Wambora ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan hoggaamiyaasha 47-da dowlad deegaan ee Kenya.
Guddoomiyaha Embu ayaa jagada shalay markii labaad loo doortay qabtay bishii koowaad ee sanadkii hore.