AFCON:Ugu yaraan 8 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Cameroon

0
520

Ciyaartii tartanka qaramada Afrika ee xalay dhexmartay labada xul ee Cameroon iyo Comoros ayaa sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo tiro badan, ka dib markii ay isku dhaceen taageerayaasha labada waddan.
Garoonka kubadda cagta The Paul Biya Stadium ayaa noqday meel dadka dhulka jiifaan oo dhaawaca iyo meydka ay kala gurayaan waaxyaha caafimaadka ka hor inta aynan bilaabanin ciyaartii uu xulka qaranka Cameroon ku garaacay Comoros ee uu ugu soo gudbay wareegga sideed dhamaadka ee tartanka qaramada Afrika.
Wadanka tartanka martigelinaya ayay taageereyaashiisa xagjirka ah isku dhaceen kuwa mayalka adag ee Comoros, waxaana sidoo kale dhacday isbuurasho jamaahiirta ah oo doonayay inay galaan garoonka.
Inta la xaqiijiyay waxa ilaa iya hadda geeriyooday 8 qof, halka dadka ay dhaawacyadu soo gaareen ay kor u dhaaftay 50 qof oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Olembe.
Falkan ayaa dhacay markii ay taageereyaashu sii galayeen albaabka garoonka oo qaada 60,000 qof, islamarkaana garoonkan xarigga laga jaray ka hor intii uunan tartanka bilaabanin.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in taageereyaasha labada xul ay isku-dhaceen markii ay gelayeen albaabka, waxaana isla albaabka laga qaaday ilaa 40 qof oo bilowgii horeba dhaawacmay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay waxyeeladu soo gaareen ay ku jiraan carruur.
Xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay la socdaan waxa ka dhacay garoonka Olembe Stadium, intii aynan ciyaartii xalay bilaabanin ee Cameroon iyo Comoros
CAF ayaa sheegtay in baaritaano ku samayn doonaan sida ay wax u dhaceen, sidoo kalena faahfaahintana ay mar dambe soo saari doonaan.
Waxaa ay intaa ku dareen, inay si joogto ah ula xiriirayaan dowladda Cameroon iyo guddida qaban qaabada tartanka kubadda cagta ee qaramada Afrika.