Abiy Axmad oo gaaray magaalada Jigjiga iyo ujeedka socdaalkiisa

0
661

Waxaa saaka magaalada Jigjiga gaaray ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmad.
Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in safarkiisa uu ku tagay deegaanka Soomaalida uu xoogga ku saari doono la kulanka bulshada deegaanka ee xaaladda abaarta ee halkaas ka jirta ay saamaynta ku yeelatay.
Mas’uuliyiin sar sare oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxummad Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Abiy Axmad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu goor-dhow booqasho ku gaari doona duleedka degmada Qabri-bayax oo ay ku suganyihiin bulshooyin ay saamaysay xaaladda abaarta ee ka soo baracay deeganadoodii.