Madaxda dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Allaha ha u naxariistee Sh Nuur Baaruud

0
465

Alle ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed.
Marxuum Sheekh Nuur Baaruud ayaa maalmihii la soo dhaafay kula xanuunsanayay Cudurka Coronavirus Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho oo uu muddo Saddex Cisho ah kujiray sida ay wararku sheegayaan, iyadoo ugu dambeyn uu xalay geeriyooday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud.
Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur ayaa tilmaamay doorkii wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo Wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, isagoo Alle uga baryay in Janadii ka Waraabiyo.
Ra’iisul wasaarihi hore ee dalka Soomaaliya Xasaan Cali Khayre Xildibaano Saenetoro iyo Masuuliyiin kale oo dowlada Soomaaliya iyo Culimada awdiinka Soomaaliyeed ka mid ah ayaa sidoo kale ka Tacsiyadeedyay Geerida Alle Ha u Naxariistee Sh Nuur Baaruud.
ALLE Ha u Naxariistee Sheikh Nuur Baaruud waxa uu kaalin mug leh ku lahaa dhismaha nabadda, dib-u heshiisiinta, xoojinta dowladnimada iyo bayaaminta afkaaraha qalloocan ee kooxaha xagjirka ah.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sidoo kale wuxuu ahaa Guddoomiyaha & Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, waxaana dhowr jeer uu ka badbaaday weeraro ay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen qaar kamid ah Hoteelada ku yaal Magaalada Muqdisho oo xilliyada la weerarayay u u ku sugnaa .