Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Trans Nzoia ayaa wado baaritaano ku aaddan meydadka labo ka mid ahaa saraakiisha booliska oo laga helay guri ku yaalla degmada Kiungani.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof oo lamaane ahaa ay gudaha u galeen gurigooda oo ku dhex yaalla saldhigga booliska ee Kiungani.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in wax yar ka dib ay maqleen dhawaqa rasaasta .
Ciidamada booliska oo sheegaya in lamaanaha ay guriga isku soo xireen ayaa ku dadaalaya inay xaqiijiyaan in midkood uu kan kale dilay ka dibna naftiisa ka takhalusay ama labaduba ay u geeriyoodeen isdifaac.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta dhacdadan ka dambeysa.
Haweeneyda ayaa lagu magacaabi jiray Dorcas Chebet waxayna shalay subax booqatay odaygeeda Abel Andari oo ka howlgalo saldhigga booliska ee Kiungani ka hor inta aan labaduba meydadkooda la helin.