Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa shalay ka laabtay go’aankii uu golaha 2017 ku gaaray in ururka ONLF loo aqoonsado urur argagixisio, wuxuuna sidoo kale sheegay inay khalad aheyd in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax loo dhiibo dowladda Ethiopia.
Haddaba afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge oo ka hadlayay go’aankaas ayaa sheegay in go’aanka Xukumadda Soomaaliya uu yahay mid in badan la sugayay oo qiimo weyn ugu fadhiya dadka Soomaaliyeed, islamarkaana macno weyn uu ugu fadhiyo ONLF iyo Shacabka Soomaaliyeed maadaama ay kujiraan Halgan Gobanimo doon ah.
Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in in ka badan 38 sano ay ku jiraan Halganka, islamarkaana aysan jirin cid u taqaanay Urur Argagaxiso marka laga tago Madaxdii hore ee dowladda Itoobiya ayna xiriir la leeyihiin dalal badan oo ku yaalla Caalamka Xafiisyana ugu yaallaan.
Dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed Cali ayaa kal hore Ururka ONLF ka saartay liiska Argagaxisada oo xukuumaddihii hore ay ku dareen, waxaana ay siideysay dad badan oo Jabhadda ka tirsan.