Ruto iyo Mudavadi oo sheegay inay wada shaqeynayaan

0
665

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inay wada shaqeyn doonaan xisbiga ANC ee uu hoggaamiyo Musalia Mudavadi.
Ruto oo dadweynaha la hadlay xilli uu ku sugnaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ayaa xusay inay la shaqeyn doonaan ANC, Ford-Kenya iyo dhammaan xisbiyada doonaya inay isla jaanqaadaan safarka lagu mideynayo shacabka.
William Ruto ayaa sheegay in qorshaha ah in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo ee UDA iyo wanaajinta dhaqaalaha dalka ee ANC ay yihiin xalka uu wadanku u baahan yahay.
Ruto ayaa sheegay in isaga iyo Mudavadi ay billaabi doonaan qabashada isku soo baxyo olole siyaasadeed ah oo ayna sare u qaadayaan heerka hoggaanka oo noqonaya mid ka madax bannaan been iyo khiyaano.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in iskaashiga UDA-ANC uu xoojin doono dimuqraadiyadda si looga hor tago in Kenya uu ka jiro nidaam keli talis ah.