Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ka laabtay go’aankii ONLF ugu aqoonsadeen urur argagixiso

0
343

Waxaa kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen in laga laabto go’aan ay horay gaareen Golaha Xukuumaddii Xassan Cali Khayre ee Sanadkii 2017-kii.
Golaha ayaa laalay go’aankii ay xukuumaddaas ugu aqoonsatay ururka ONLF urur agagixisao ah “ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia.” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.