Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo su’aal geliyay in doorasho lagu qabto xero ciidan

0
532

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay waxa uu su’aal geliyay doorashadii Golaha Shacabka ee shalay lagu qabtay magaalada Garoowe.
“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas, Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda. “Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan horay uga baqaynay” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Afartii xildhibaan ee ugu horreysay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaannada Puntland, ayaa shalay Garoowe lagu doortey.
Illa shan kursi oo ay u tartamayaan 10 musharrax, ayaa doorashadooda ay ahayd in shalay la qabto, afar kursi oo ka mid ah ayaa la soo gabagabeeyay.