DHAGEYSO:Madaxa ciidamada badda ee Jarmalka oo is casilay

0
401

Waxaa xilkiisi iska casilay Kay-Achim Schoenbach oo ahaa madaxa ciidamada badda ee dalka Jarmalka.
Tani ayaa timid ka dib cadaadis xooggan oo la saaray sarkaalkan , gudaha iyo dibadda wadankaasi labaduba.
Waxaa lagu dhaliilay hadal uu jeediyay Jimcihii xilli uu ku sugnaa magaalada New Delhi ee India kaasoo ahaa in Ukraine aynan dib ula wareegi doonin gacanka Crimea oo ay dowladda Ruushka ka goosatay sanadkii 2014-kii.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay aad muhiim u tahay in la garabsado Ruushka si loogaga adkaado Shiinaha iyo in madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin uu qadarin mudan yahay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Ruushka lagu eedeynayo inay ku howlan tahay qorsho ay ugu duulayso Ukraine in kastoo ay dhaliishaasi iska fogeysay.