Xisbiga siyaasadeed ee ANC ayaa ku hanjabay inuu isaga baxayo Isbaheysiga One Kenya Alliance ee OKA haddii hoggaamiyaha xisbigooda Musalia Mudavadi aan lagu dhawaaqin in uu yahay musharraxa isbaheysigan ku matalaya doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan.
Xoghayaha guud ee ANC Simon Kamau Gikuru oo galinkii dambe ee shalay warbaahinta kula hadlay bannaanka xarunta Bomas ee Nairobi oo maanta lagu qabanayo shirweynaha xisbigan ayaa sheegay in isbaheysiga OKA uu micno sameyn doono kaliya haddii Musalia Mudavadi loo xusho musharraxa madaxweyne .
Mr. Gikuru ayaa hoosta ka xarriiqay in maanta tallabo wayn la qaadi doono sida uu horaan u shaaciyay hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi.
Wararka laga helayo shirweynaha maanta ee xisbiga ANC ayaa tilmaamaya in ergada kulankan ka qaybgeli doonto ay ansaxin doonaan go’aamo gaar ah oo ka soo baxay golaha xisbigan.
Waxaa go’aannada ka mid ah wax ka beddelka sharciyada u yaallo xisbiga iyo magacaabista Mudavadi ee musharraxa madaxweye ee ANC ee doorashada guud ee sanadkan.
Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka ayaa labaduba si cad u sheegay in ay u tartami doonaan hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Waxaa isbeheysiga OKA ku mideysan hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee kala ah Kalonzo Musyoka(Wiper), Musalia Mudavadi (ANC), Gideon Moi(KANU) iyo Moses Wetangula ee (Ford-Kenya).
Hasa ahaate isbeheysiga OKA ayaa haatan u muuqdo mid masiirkiisa mugdi galay iyadoo xubnaha ka tirsan aysan wali ku heshiin cidda calanka u sidi doonto doorashada guud ee soo socoto.
Isbeheysigan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay midka saddexaad ee uga awoodda badan dalka ee loolanka doorashada ku wajihi karo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo la soo gabagabeeyay qaban qaabada shirweynaha ANC ee maanta ka dhacaya magaalada Nairobi.