Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka 9 kalena ay dhaawacmeen ka dib qarax laga gaystay dalka Afghanistan.
Weerarkan oo bambo loo adeegsatay ayaa lala eegtay baabuur yar oo marayay magaalada galbeed ee Herat.
Madaxa isbitaalka gobolkaasi Arif Jalali ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in afar haween ah ay ka mid yihiin dadka qaraxa lagu dilay.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.