Ururka injineerada Kenya ee IEK ayaa dalbanaya in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo saraakiil waaxdooda ka tirsaneyd oo la xiray horraantii toddobaadkan.
Waxaa saraakiishan lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen cillad dhanka adeegga korontada oo maalmo ka hor saameysay waddanka oo dhan.
Ururka IEK ayaa sheegay in ciladda ku timid korontada aan lagu sameynin baaritaan xirfadeysan balse laamaha ammaanka ay xireen xubno ayaga ka tirsan.
Madaxa ururka injineerada dalka Nathaniel Matalanga ayaa cambaareeyay xarigga saraakiishan, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan loo marin nidaam cadaaladeed.
Horraantii toddobaadkan ayaa ahayd markii 9 ka mid ah howlwadeenada shirkadda korontada ee wadanka la xiray, iyadoo afar ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ka tirsan ururka injineerada Kenya ee IEK.
Waxaa lala xiriirinayaa inay ka dambeeyeen cillad dhanka adeeggan ah oo maalmo ka hor saameysay waddanka oo dhan.
Uruka injineerada dalka ayaa ku boorriyay saraakiisha amniga inay si taxadar leh u shaqeeyaan oo ay soo qabtaan dambiilayaasha saxda ee arrinkan ku lugta leh.
Waxaa ay dhanka kale bogaadiyeen tallaabadii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku mamnuucay in laga ganacsado biraha qalaxa laga soo saaro agabka kala duwan ee loo yaqaano Scrap Metals, si looga hor taggo burburinta qalabka dowladda ee muhiimka ah.