Waxaa caasimadda Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ka socda bannaanbax lagu taageerayo dooddii Baarlamaanka UK ee aqoonsiga Somaliland.
Bannaanbax oo lagu qabtay Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad badan.
Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo siyaasiin kale.
Baalamaanka dalka Ingiriiska ayaa isbuucii hore dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.
Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.
Xildhibaannada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa mudanihii aqalka horkeenay mooshinka ka doodidda aqoonsiga Soomalailand.
Mr. Gavin oo doodda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.
Home Wararka Soomaaliya Bannaanbax lagu taageerayo dooddii baarlamaanka UK ee aqoonsiga Somaliland oo ka socda...