DHAGEYSO:Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka Bonchari

0
819

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada, asxaabta iyo shacabka deegaan baarlamaneedka Bonchari ka dib markii uu geeriyooday xildhibaankii deegaankaas baarlamaanka ku matalayay.
Mr. Kenyatta ayaa John Oroo Oyioka ku tilmaamay mas’uul kaalin weyn ka soo qaatay arrimaha waxbarashada.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’anayd u adeegidda bulshada iyo howlaha xeer dejinta.
Xildhibaanka deegaanka Bonchari ee ismaamulka Kisii John Oroo Oyioka ayaa geeriyooday ka dib in muddo oo uu xanuunsanaa.
Waxaa geerida mudanaha xaqiijiyay xubno ka mid ah qoyskiisa.
Mr. Oyioka ayaa dhintay xilli lagu daaweynayay isbitaalka Aga Khan ee ismaamulka Kisumu.
Oyioka ayaa noqday siyaasigii shanaad ee saddex bilood gudahood geeriyooday marka laga soo tago xildhibaankii deegaanka Kabuchai James Lusweti , dhigiisi Matungu Justus Murunga , senatarkii Machakos Boniface Kabaka iyo dhigiisa Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji oo shalay galab la aasay.
Geerida xildhibaanka deegaanka Bonchari waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi ,wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya oo sheegay in ay ka wada tirsanayeen guddiga tacliinta , cilmi baarista iyo tiknolojiyadda ee golaha xeer dejinta.
Qaar ka mid ah shacabka deegaanka Bonchari ayaa sidoo kale ka hadlay geerida ku timid mudanaha iyo waxyaabihii uu u qabtay ee ay ku xusuusan doonaan