IEBC oo soo saartay xeerar ku saabsan ololaha siyaasadeed

0
477

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa soo saaray xeerar uu doonayo in loo hoggaansamo iyadoo la isku diyaarinaya doorashada guud ee 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa musharraxiinta uga digay inay ololahooda u isticmaalaan astaanta guddiga ka hor codeynta.
IEBC ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid aanan waafaqsanayn xeerarka dastuuriga ee dalka maadaama guddigu uu yahay mid madax bannaan oo aan musharraxiinta u kala eexan.
Qoraalka rasmiga ee Chebukati waxaa ku cad in ololaha uu billaabanaya 29-ka bisha shanaad ee May oo uuna ku egyahay 6-da August.
Sharciga dalkani Kenya ayaa qeexaya in ololaha doorashada la soo gabagabeeyo 48 saacadood ka hor xilliga doorashada guud.
Muddada ololaha , musharraxiinta ayaa qorshahooda codbixiyeyaasha ka dhaadhicin karo laga billaabo 7-da subaxnimo ilaa 6-da maqribnimo.
Xisbiyada siyaasadeed iyo musharraxiinta tartamaya ayaa laga doonaya inay magacyada wakiiladooda u gudbiyaan guddiga IEBC ka hor ama ugu dambeyn 25-ka bisha Toddobaad.
Sidoo kale IEBC ayaa xisbiyada ku wargelisay in magacyada shakhsiyaadka ka qayb qaadanaya kala xulashada ama isreebreebka, taariikhda iyo goobaha lagu qabanayo ay soo gudbiyaan ka hor ama ugu dambeyn 9-ka bisha Afaraad ee sanadkan, 21 cisho ka hor maalinta isreebreebka.
Xisbiyada qorsheynaya inay musharraxiin madaxweyne siiyaan soo xulasho toos ah ama xita isreebreebka noocan ah waxay haystaan ilaa 28-ka bisha Afaraad oo ay magacyadan kula wadaagayaan IEBC.
Sidoo kale musharraxiinta si madax bannaan u tartamaya waa inay xisbiyada diiwaangashan xiriirka u jaraan 2-da bisha May.
Sidoo kale shaqaalaha dowladda ee doonaya inay u tartamaan xil siyaasadeed ayaa laga dalbaday inay is casilaan ka hor ama ugu dambeyn 9-ka bisha labaad ee sanadkan.
Musharraxiinta madaxweynenimo waxaa laga doonaya inay ka hor ama ugu dambeyn 23-ka bisha Shanaad guddiga IEBC u gudbiyaan magacyada , saxiixyada, aqoonsiyada qaran ama nambaradda basaaboorada ee ugu yaraan 2000 oo ah codbixiyeyaal ka diiwaangashan aqlabiyadda ismaamullada dalka.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay inuu kenyaanka si joogto ah ula wadaagi doono jadwalka iyo howlaha ku saabsan doorashada guud.
Dhanka kale IEBC ayaa sheegtay inuu dib u dhac ku yimid diiwaangelinta kenyaanka qurbajoogta ah ee ku nool Ingiriiska , Canada iyo Imaaraadka tani oo loo aaneeyay xayiraadaha dhanka safarka ee la xiriira cudurka COVID-19 ee waddamadaasi ka jiro. Hasa ahaate IEBC ayaa sheegtay in qurbajoogta dalalkaasi ku sugan loo kordhin doono muddada isdiiwaangelinta.