Boqor Buurmadoow iyo Cabdi Xaashi oo qaadacay doorashadii golaha Shacabka Soomaaliya

0
355

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Boqor Cusman Ow Maxamuud Buurmadoow oo ay garab taagnaayeen Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta sheegay inay isaga baxeen doorashada Soomaaliya, iyaga oo faahfaahiyay sababta ku kaliftay arrintaasi.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo Jadwalka Doorashada Reer Waqooyiga ee dhawaan la soo saaray, isaga oo sheegay in boob lagu haayo.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in doorashada loo qabto si la isla ogyahay, sidoo kalena uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo dadka ku howlan wadidda doorashada inay joojiyaan.
Dhanka kale Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa dhankiisa sheegay in ay ka baxeen doorashada Soomaaliya, ayna u caddeynayaan Beesha Caalamka in Ra’iisul Wasaaraha uu faragelin iyo boob ku haayo doorashada.
“Waan ka baxnay doorashada waxaan halkaan isugu nimid in aan u caddeyno Beesha caalamka iyo Soomaaliba ’Marka aan garan wayne cid aan kaga Dacwoona Ra’iisul wasaaraha, Beeshiisa Habargidir Xitaa waan ugu dacwoonay ayuu yiri” Boqor Buurmadow.
Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaan weli ka hadlin eedeynta loo soo jeediyay, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli kal hore Ra’iisul Wasaaraha uu ku eedeeyay Madaxweynaha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo in uu faragelin ku haayo doorashada balse, isagii ayaa lagu eedeynayaa inuu faragelin iyo boob doorasho wado.