Didniin loo diray shaqaalaha wasaaradda tamarta ee dalka

0
619

Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Monica Juma ayaa ku wargelisay mas’uuliyiinta wasaaraddan in waajib ku tahay inay gutaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan ama ay isku diyaariyaan inay wajahaan cawaaqib xumo.
Shir jaraa’id ay maanta ku qabatay xarunta wasaaradda tamarta ee magaalada Nairobi, ayay ku nuux-nuuxsatay in ciddii aan kasoo bixin waajibaadkii loo xilsaaran laga qaadi doono tallaabo ku habboon.
Waxaa ay tilmaantay in muddooyinkii dambe ay wasaaradda ka dhex jirtay habacsanaan badan.
Mrs. Monica ayaa carrabka ku dhufatay in isla xisaabtan uu fure u noqon doono, si looga gudbo caqabadaha wasaraadda tamarta ka dhex jiro.
Waxaa ay intaasi ku dartay in kenyaanka ay dalbanaya in dib u habeyn lagu sameeyo waaxda tamarta ee wadanka.
Digniinta wasiirka tamarta ee dalka ayaa kusoo aadeyso iyadoo xabsiga ay ku jiraan 10 ka mid ah howlwadeenada shirkadda korontada ee wadanka ee KPLC.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinayaa inay ka dambeeyeen cillad dhanka adeeggan ah oo maalmo ka hor saameysay waddanka oo dhan.