Waxaa lagu soo warramayaa in shacabka magaalada Garissa ay saaka ku waabaristeen argagax ka dib markii waddada dhinaceeda lagu arkay meydka gabadh 15 sano jir ah.
Meydka gabadha ayaa lagu arkay waddada mashquulka badan ee Kismaayo ee magaalada Garissa.
Goobjooge, ayaa sheegay in gabadha oo magaceeda loo yaqaano ‘Kadogo’ ee dad ugu war dambeysay galinkii dambe ee shalay xilli ay ku sugneyd xaafadooda Garissa Ndogo iyadoo qabanaysay shaqada guriga.
Waxaa wali caddeyn goorta ay guriga ka baxday, islamarkaana kaliya saaka meydkeeda la helay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in jirkeeda uusan dhaawac ama jirdil ka muuqan.
Taliyaha booliiska ee magaalada Garissa, James Ngetich oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in la billaabay baaritaanno dilka gabadha la xiriira.
Aabaha dhalay gabadha oo ku sugnaa saldhigga booliska ee Garissa si uu warbixin la xiriirta dilka gabadhiisa uu u qoro ayaa sheegay inuu la hadli doono saxaafadda.
Meydka ayaa la dhigay goobta meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka wayn ee Garissa si baaritaanno loogu sameeyo.
Qodobkan wixii kasoo kordho halkan aad kala socon doontan.