Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa shaaciyay in laga billaabo 10-ka habeenimo ee caawo ilaa 2-da habeenimo ee berri oo Sabti ah la xirayo qaybo ka mid ah waddada bariga Bypass ee ismaamulka Nairobi.
Waddada ayuu maamulka sheegay inay xirnaan doonto muddo afar saacaadood.
Bayaan la soo dhigay barta rasmiga ee KeNHA ee Twitterka ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo aaneeyay howlo dhismo oo ka soconaya waddada wayn ee Nairobi Expressway.
Waxaa sidoo kale bayaanka maamulka KeNHA qayb ka ah in qaybta la xirayo ay xigta aagga City Cabanas ee waddada Mombasa road ee Nairobi, taasoo ku qasbi doonta wadayaasha gadiidka in ay maraan waddo dheer si ay u gaaraan meelaha ay u socdaan.
Gaadiidleyda ayaa lagu boorriyay inay u hoggaansamaan tilmaamaha ciidamada waddooyinka ee taraafikada.
Waxaa sidoo kale darawallada lagu boorriyay inay dulqaad muujiyaan oo ay hoggaansamaan tilmaamaha.
Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ciidamo badan la geyn doono goobta dhismaha ka socdo si ay u hagaan gadiidleyda.
Maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa dhawaan sheegay in horumar hor leh laga sameeyay waddada wayn ee Nairobi Expressway.
Waxaa uu inta ku daray in mashruucaan la dhameystiri doono bisha Saddexaad ee sanadkan.
Mashruuca waddada wayn ee Nairobi Expressway ayaa waxaa bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii daahfuray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.