Maxkamadda oo laashay go’aan uu madaxweynaha shirkadda KMC ugu wareejiyay wasaaradda difaaca

0
592

Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday go’aan uu horay madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta shirkadda hilibka ee KMC maamul ahaan hoos geeyay wasaaradda gaashaan-dhigga ee Kenya.
Garsoore Anthony Mrima ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka maadaama aan laga qayb gelin dadweynaha.
Shirkadda KMC ayaa horay uga mid ahayd waaxyaha wasaaradda beeraha , xoolaha nool iyo kallumeysiga.
Amarka maxkamadda ka soo baxay galinkii dambe ee shalay ayaa yimid ka dib dacwad uu gudbiyay ururka qareennada dalka ee LSK.
Hasa ahaatee xaakinka ayaan oggolaan doodda LSK ee ahayd in go’aanka madaxweynaha looga gol-lahaa in howlo ganacsi laga dhex sameeyo wasaaradda difaaca.