Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay sidoo kalena ah Caasimada KMG ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Koonfur Galbeed ayaa Waxaa Maanta Maalinkii laabaad ka socda shirka gudiga Farsamada ee u gogol Xaaraya shirweynaha wadatashiga Madaxda Qaran ee Arimaha Doorashada looga arinsanaayo.
Wasiirka wasaaradda Dastuurka xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ah guddoonka guddiga farsamo ee dowladda Fedraalka,Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee shirka arrimaha doorashada looga hadlayaa uga socdo Baydahbo ayaa ka warbixyey habsami u socodka shirka oo maraya maalintii 2-aad iyo Qodobada ay ilaa iyo hada isla meel dhigeen.
Waxa uu xusay in shirka oo furmay shalay Galinkii danbe islamarkiiba la guda galay ka wada hadalka arrimaha la isku khilaafsanyahay ee la xiriira doorashada, sida xaaladda gobolka Gedo, arrinta gudiga doorashada iyo qaabka loo maamulayo doorashada xubnaha Baarlamaanka ka soo galaya Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ama deegaanada Somaliland.
Wasiir Saalax ayaa xusay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xubnaha gudiga kula hadlay aaladda fogaan aragga uu ku baraarujiyey inay hortaal hawl muhiim u ah dalka oo dhan, sidaa darteedna ay u shaqeeyaan si mas’uuliyad iyo tanaasul leh si qodobo wax ku ool ah looga soo saaro shirka ka socda Magaalada Baydhabo kuwaasoo dalka Doorashooyinkiisa lagu Jihaynayo.
Saalax Axmed Jaamac Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo isna la kulmay guddiga kuna booriyey inay go’aano dalka doorasho ku hoggaamin kara soo saaraan, waxaana uu ku ammaanay sida wanaagsan ee maamulkiisu shirkaan u marti galiyey.
Wasiirka Dastuurka ayaa Tilaamay in wakhtiyada Soo socda shirki sii soconayo ayan Rajaynayaan inay ka soo baxaan qoddobo Muhiim ah oo doorashooyinka Soomaaliya ee Khilaafku hareeyay.