Wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Busia iyo galbeedka Pokot ayaa maanta ansaxiyay hindise sharciyeedka la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka wadanka u degsan.
Waxay sheegeen in go’aanka ay qaateen ay ku saleyeen in miisaaniyadda ay dowladda dhexe u qoondeyso ismaamullada oo hadda ah boqolkiiba 15 la kordhin doono oo laga dhigaya 35 boqolkiiba.
Siyaasiyiinta ismaamulka galbeedka Pokot oo uu hor kacayo barasaabka dowlad deegaankaas Prof. John Lonyangapuo ayaa xusay in aynan diyaar u ahayn inay ka qadaan qorshaha horumarineed ee dalka.
Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Busia, Bernard Wamalwa ayaa sidoo kale ka hadlay hindisaha BBI ee maanta la ansaxiyay