Senatarka ismaamulka Narok Ledama Olekina oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa hoosta ka xarriiqay in isbeheysiga OKA uunan saameyn wayn oo siyaasadeed ku lahayn gudaha wadanka.
Dalladdan ayaa waxaa ku midoobay xisbiga ANC, KANU,Wiper iyo Ford-Kenya.
Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi sheegay inay 23-ka bishan shaacin doonaan tallaabo gilgili doonto saaxadda siyaasadeed ee Kenya.
Hasa ahaate Ledama Olekina ayaa ku doodaya in tallaabo kasta oo ay qaadaan hoggaamiyaasha OKA aynan wax wayn ka beddeli doonin loolanka madaxtinimo ee 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu ku celceliyay in tartanka la xiriira hoggaanka ugu sarreeya wadanka uu ka dhexeya madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Olekina ayaa xusay in xita haddii madaxda OKA ay garab siiyaan Ruto ay suurtagal tahay inaysan wax badan u soo kordhin dhanka tirada codadka.